Waxaa goordhow xerada Afisyooni si rasmi ah uga bilaabatay doorashada guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo dhammeystir u ah doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka.
Musharixiin dhowr ah ayaa ku loolamaya xilka gudoomiye ku xigeenada 1aad iyo kan 2-aad ee baarlamaanka 11-aad, kuwaas oo ku kala bixi doono codadka xubnaha baarlamaanka.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa waxaa isku soo taagay 10 musharrax oo kala ah: 1. Xil. Cabdikariin Abdow Xayder 2. Xil. Cabdiraxmaan Cabduqaadi Cadde 3. Xil. Khadiija Maxamed Diiriye 4.Xil. Maxamed Cabdalla Axmed Maxamuud 5. Xil. Maxamed Cali Cumar (Caanonuug) 6.Xil. Maxamed Nuur Abuukar 7. Xil. Maxamed Cumar Cimow 8. Xil. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego) 9. Xil. Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar) 10. Xil. Saciid Maxamed Maxamuud Xayd.
Sida aan xog ku helnay, waxaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ugu cadcad Caana-nuug iyo Khadiija Maxamed Diiriye, waxaana loo badinayaa dhanka Caana-nuug.
Sidoo kale ku xigeenka labaad waxaa isku soo sharraxay illaa 7 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxayna kala yihiin:- 1. Xil. Cabdullaahi Cumar Abshir 2. Xil. Axmed Aadan Axmed 3. Xil. Asad Cabdirisaaq Maxamed 4. Xil. Asyuub Ismaaciil Yuusuf 5. Xil. Mahad Cabdalla Cawad 6. Xil. Maxamuud Xuseen Abuukar (Gaaraxo) 7. Xil. Saciid Maxamed Cali
Kulanka maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa shir guddoomin doono Sheekh Aadan Madoobe oo xalay loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, kaas oo dhaba cusub u jeexay isbedalka doorashada Soomaaliya, waxaana guddoonka baarlamaanka ee labada Aqal sidaasi looga adkaaday kooxda Villa Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo.