Home Wararka Maanta Donald Trump oo maalmaha soo socda Xabsi Gali Doona

Donald Trump oo maalmaha soo socda Xabsi Gali Doona

0

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa maalmaha soo socda isku dhiibaya doona booliiska gobolka Georgia.

Waxaa lagu wadaa inay saacado kooban qaadato muddada uu la joogaayo waaxda caddaaladda dembiyada si ka duwan dadka kale.

Maamulka gobolka Georgia ayaa ku dhawaaqay in Mr. Trump iyo 18-ka kale ay iska diiwaan gelinayaan Xabsiga Fulton County ee Atlanta ka hor inta uusan tagin maxkamadda.

Wuxuu Trump ku qasban yahay inuu 25 August iska xaadiriyo maxkamadda si uu u wajaho eedeymaha ah inuu isku dayay inuu isdaba mariyo natiijada doorashadii 2020 ee gobolka ka dhacday.

khubarrada ayaa sheegaya inaan loola macaamili doonin sida dadka kale ee xabsiyada adag ku xirnaada muddo toddobaadyo ah, bilooyin amaba xitaa sanado iyagoo sugaya maxkamadeyn.

Xabsigan ayaa waxaa ka jira xaalado nadaafad-darro oo horseeday inuu ka dillaaco xanuunka safmarka ah ee Covid-19, Injir gashay maxaabiista iyo dhibatooyin kale, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Xarunta Koofureed ee Xuquuqda Aadanaha.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Magaalada Laasacaanood loogu Gaystay Abwaan Jaamac kadiye
Next articleMagatte Guisse oo Gaaray Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb(Sawiro)