Home Wararka Caalamka Donald Trump oo lagu helay dhammaan dambiyadii lagu soo oogay

Donald Trump oo lagu helay dhammaan dambiyadii lagu soo oogay

0

Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo lagu helo dambi Khamiistii, markii xeerbeegtida New York ay ku heleen dhammaan dambiyadii lagu soo oogay.

Trump ayaa waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu been abuur ku sameeyay dokumentiyo, si uu u qariyo lacag lagu aamusiyay haweeney sameysa filimada galmada, oo uu la seexday, ka hor doorashadii madaxweyne ee 2016-ka.

Kadib markii ay ka doodeen muddo laba maalmood ah, 12 xubnood oo xeerbeegti ah ayaa ku dhawaaqay inay Trump ku heleen dhammaan 34-ka eedeymo ee uu wajahay madaxweynihii hore.

Xukunkan ayaa Mareykanka ku riixaya xaalad hubanti la’aan kahor doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyay 5-ta November, markaasi oo Trump oo ah musharraxa Jamhuuriga, uu isku dayi doono inuu Aqalka Cad dib ugala wareego Madaxweynaha Dimoqraadiga ah Joe Biden.

Trump oo 77 jir ah ayaa diiday inuu wax khalad ah sameeyay, waxaana la filayaa inuu racfaan ka qaato xukunka.

“Tani waxay ahayd wax laga xishoodo, tani waxay ahayd maxkamad la musuq-maasuqay oo uu sameeyay garsoore ku lug leh musuq-maasuq,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta.

“Xukunka dhabta ah wuxuu noqonayaa 5-ta November, waxaana gaari doona dadka,” ayuu yiri Trump, isagoo raaciyay: “Waxaan ahay nin aan waxba galabsan.”

Waxa uu wajahayaa ugu badnaan afar sano oo xabsi ah, inkasta oo dadka kale ee lagu helo dambigan ay inta badan helaan xukuno gaaban, ganaaxyo iyo waxyaabo ka qafiifsan gelitaanka xabsi.

Xarigu kama hor istaagayo inuu u ololeeyo, ama uu qabto xilka haddii uu ku guulaysto.

Garoosaraha maxkamadda ayaa sheegay inuu xukunka ridi doono 11-ka July, oo ah 4 maalin kahor 15-ka July inta aanay Jamhuuriyiinta isugu tegin magaalada Milwaukee si ay si rasmi ah Trump ugu calmaan inuu yahay musharaxooda madaxweyne.

Dhinaca kale, ololaha madaxweyne Biden ayaa sheegay in xukunka uu muujinayo in qofna uusan ka sareyn sharciga, laakiin wuxuu xusay in Trump uu wali awood u leeyahay inuu u tartamo madaxweynenimada.

“Weli waxaa jirta hal dariiq oo kaliya oo Donald Trump looga ilaalin karo xafiiska Oval Office-ka oo ah sanduuqa cod-bixinta,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ololaha Biden.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo ku jira Xiligiisui ugu adkaa Iyo Culays kasoo Wajahay Dib u Doorashadiisa
Next articleAamina Cabdulle Tifow oo Shalay Xajka aaday oo ku Geeriyootay Sacuudiga