Home Wararka Maanta Dowlada oo weerar Ku Qaaday Dad Daganaa Ceelasha Biyaha Lana Burburiyay Guryahoodii

Dowlada oo weerar Ku Qaaday Dad Daganaa Ceelasha Biyaha Lana Burburiyay Guryahoodii

0

Xiisad la xiriirta muran dhuleed ayaa mar kale kasoo cusboonaatay magaalada Muqdisho, kadib markii shalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay burburiyeen dhul ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay daganaayeen shacab.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad lamid ah tii Dab-damiska oo ay horay dowladda Soomaaliya uga barikicsay qoysas daganaa dhukaas oo ah mid dan-guud ah.

Qoysaska haatan laga burburiyay guryahooda ee deganaa Ceelasha Biyaha ayaa la hadlay warbaahinta, waxayna sheegeen in la boobayo dhulkooda, loona gaystay xadgudub wayn oo ay sheegeen inuu uga yimid Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaan halkan ka caddeynayaa dhibaato aan wanaagsaneyn inay nooga timid ciddii aan maciinsaneynay ee mas’uulka naga ahayd ee dowlad noo ahayd inay dhibaato burburin hantiyeed iyo dil dadeed intaba meesha ka dhacday” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Cabdikariin Cabdulle Macow oo kamid ah qoysaskan ayaa sidoo kale ku dooday in dhulkan ay ka dhexleen waalidoontooda, isla markaana ay haystaan dukuminta cabirka dhulkaasi.

Sidoo kale waxa ay qoysaskani tilmaamay in weerar lagu soo qaaday habeen madow, isla-markaana cagta la mariyay koofafkooda iyo guryihii ay daganaayeen.

“Habeen madow oo sideed saac ah ayaa naloo soo galay waxa nagula dumiyay ma naqaano, wax nagala xukumay ma jirto dhibkaas ayaa nagu dhacay” ayuu yir Cabdullaahi Iidow Caki oo 52 jir ah, kana mid ah dadka laga barakiciyay dhulkaasi.

“Waxaa nagula haystaa dhulkii oo fac ka fac ah oo aan ka dhexalnay Aabaheyn, waxaa noo cabiray Xaaji Axmed Sacuudi” ayuu isna yiri Cabdikariin Cabdulle Macow.

Xildhibaan Mukhtaar Xasan Saajid oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrinta dhulkan iyo xiisadda ka dhalatay, wuxuuna farriin u diray Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, isaga oo su’aal ka keenay waxa soo celiyay dhul boobka haatan socda.

“Waxaan usoo jeedinaayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed haddii arrinta laguu qariyay ka gaar, maxaa yeelay adigaa u dhaartay, Ilaaheyna wax kaa waydiinayaa” ayuu yiri Saajid.

“Tankale Madaxweynaha qaranka waxaan usoo jeedinayaa ee aan annaga soo dooranay, madaxweyne mar alle markii aad adiga timaado dhulkan lagu soo yaacaayo waa la fahmi la’yahay, dhul jabis iyo dhul boob iyo howlo badan oo horor dhulnimo ah ayaa soo badatay, madaxweyne arrintan sumcadaada ayay taabanee ee wax ka qabto” ayuu mar kale yiri.

Ad
Previous articleMaxay Ahaayeen Ciidamada Faraha Badnaa ee Maantay soo Galay Gobalka Hiiraan
Next articleDowlada Itoobiya oo Ka Hadashay Hubkii Dhawaan Caabudwaaq lagu Boobay ee Itoobiya Ka yimid