Home Wararka Somaliya Puntland Diyaarado Dagaal oo Saakay Duqayn Culus ka Fuliyay Puntland

Diyaarado Dagaal oo Saakay Duqayn Culus ka Fuliyay Puntland

0

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanada Puntland, qeymo diyaaradeed ayaa Jimcihii maanta ka dhacay aagga degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Duqeymo cirka ah ayaa lala beegsaday saakay aroortii fariismo ay maleeshiyada Daacish ku lahaayeen dhul buuraley ah uu u dhow degmada Qandala.

Dad ku sugan aagaas ayaa Caasimada Online u sheegay in ugu yaraan labo jeer ay duqayntu ka dhacday goobihii ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Daacish ee aaggaas Qandala fariisinka ku leh.

Weli lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, balse goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in dhulka la bartilmaameedsaday ay deganeed kooxda Daacish.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadal duqeynta maanta ka dhacday gobolka, mana jirto cid kale oo illaa hadda sheegatay masuuliyadda ama bixisay xog faahfaahsan, markii laga reebo dadka deegaanka oo Caasimada Online u xaqiijiyey inay maqleen duqeynta.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore sheegatay duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, balse Puntland ayaa beenisay jiritaanka weerar ay masuuliyadiida sheegatay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Goor-dambe waxaa la xaqiijiyey in duqeymaha ay sheegtay dowladda federaalka ay buuraleyda Caalmadow ka dhaceen, balse Puntland ayaa beenisay oo sheegtay in dowladda federaalka aysan howlgal ka fuli karin dhulka Puntland.

Beenintaas ayaa timid kadib markii Dowladda Soomaaliya ay sheegatay in duqayn ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah, ay ku dileen saddex ka mid ah horjoogeyaasha kooxaha Khawaarijta ah iyo 20 maleeshiyaad ah.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo ku Dhawaaqday in Ciidamada Itoobiya Dalka Soomaaliya laga Saraayo
Next articleKaniisad Soomalidu u badashay Masaajid oo dhawr jeer la weerarray si kaniisadiisii loogu celiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here