Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Diyaarado Dagaal miyaa Ka Qayb Galay Dagaalkii Maantay ee Raaskanbooni?

Diyaarado Dagaal miyaa Ka Qayb Galay Dagaalkii Maantay ee Raaskanbooni?

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Aadan Axmed Xaaji oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalkii maanta ka qarxay aagga Raaskambooni, wuxuuna sheegay in dagaalkaasi ay ka dambeeyeen ciidanka dowladda oo uu ku eedeeyay inay soo weerareen ciidankooda.

Aadan Axmed ayaa sidoo kale dowladda federaalka ku eedeeyay in dagaalkii maanta ay u adeegsatay diyaarado Drone ah, ayna ka hor imaaneyso qaadista cunaqabateyntii hubka.

“Drone-ta maanta naloo adeegsaday dowladaha iska leh waan soo bandhigeynaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamulka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadooda ay is difaaceen, isla markaana ay jab culus gaarsiiyeen ciidamada ay dowladdu ku daabushay gobolka Jubbada Hoose.

“Dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba waa inay ogaadaan dagaal xaq darro ah in nagula soo qaaday, Jubbaland-na way is difaaceysaa, waana la jabiyay” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in isa soo dhiibeen illaa 42 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, ayna ula dhaqmeen si wanaagsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadda waxaa isa soo dhiibay horin kamid ah ciidamadii Muqdisho laga keenay, waana lasoo dhaweeyay, si fiicana waa loola dhaqmay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda guul wayn ka sheegatay dagaalka, waxayna ku eedeysay ciidamada Jubbaland inay weerareen ciidamada qalabka sida oo ay sheegtay in Raaskambooni loo geeyay inay la wareegaan xarumaha ATMIS iyo la dagaallanka Shabaab.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeey Dagaal Saacada Badan Qaatay oo Lagu Jabiyay Jubaland
Next articleWar Deg Deg ah:Ciidamada Dowlada oo Gabi ahaanba Lagaa Saaray Raaskanbooni