Home Wararka Maanta Diyaaradaha Dagaalka Sudan oo Duqeymo culus ku garaacaya saldhigyada RSF

Diyaaradaha Dagaalka Sudan oo Duqeymo culus ku garaacaya saldhigyada RSF

0

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga dalka Sudan iyo ciidamada gurmadka deg dega ee RSF ayaa wali ka socda qeybo kamid ah magaalada Khartuum, dagaalka ayaana lasoo sheegayaa in uu kusii fidayo deegaanno hor leh.

Ciidamada milatariga ee maamula Sudan ayaa bilaabay in ay adeegsadaan diyaarado dagaal, waxa ayna ciidamada duqeymo culus ku garaacayaan saldhigyada waa weyn ee caasimadda ku leeyihiin ciidamada RSF.

Dhowr gantaal ay tuureen diyaaradaha dagaalka milatariga Sudan ayaa ku dhacay xeryaha Taiba iyo Sooba oo ay lahaayeem ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee lagu magacaabo SRF.

War kasoo baxay milatariga Sudan ayaa lagu sheegay in ay bur buriyeen saldhigyadii maleeshiyaadka gurmadka deg dega ee RSF, waxa ayna milatariga sheegeen in ay wali socdaan howlgalo kooxdaasi lagu soo afjarayo.

Milatariga Sudan iyo ciidamada kasoo horjeeda ayaa dagaalka ka sheeganaya guulo kala duwan, waxaana adag in la helo warar madax bannaan oo ku aadan dagaalka socda iyo cidda ku gacan sareysa.

Ad
Previous articleFaahfaahinta dagaalka ka socda magaalada Khartuum
Next articleMaxaa Ka Jira In Inta Badan Xarumihii Dowlada Laga Saaray Milateriga Dalka Suudaan?