Home Wararka Maanta Diyaarada Kenya Airlines oo war kasoo saartay Duulimaadka ay ka bilaabeyso Hargeysa

Diyaarada Kenya Airlines oo war kasoo saartay Duulimaadka ay ka bilaabeyso Hargeysa

0

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay in weli uu hakad ku jiro qorshe ay ku billaabeyso duulimaadyo isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa, ayada oo beenisay warar shalay soo baxay.

Qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa waxaa shalay ku baahiyey qoraal loo tiriyey shirkadda oo lagu sheegay inay duulimaadyada Hargeysa billaabeyso daba-yaaqada bishan May.

“Kenya Airways waxay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay iminka hakad ku jiraan, ayada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yiri qoraal ay shirkadda soo saartay.

“Ma jiraan wax duulimaadyo ah oo iminka shaqeynaya oo aan leenahay, si ka duwan wararka la wareejinayo baraha bulshada.”

Hay’adda duulista hawada Kenya ayaa shalay hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya, laga bilaabo shalay oo Talaado aheyd, marka laga reebo diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.

Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleCiidamada AMISOM oo Muddo Kordhin Loo sameeyay
Next articleBaarista: Shirqoolka Dilkii Sheikh Ali Dheere