Home Wararka Maanta Diyaarad Drone ah oo Qaraxya Siday oo Xalay lagu arkay Madaxtooyada Soomaaliya

Diyaarad Drone ah oo Qaraxya Siday oo Xalay lagu arkay Madaxtooyada Soomaaliya

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo xalay lagu arkay hawada sare ee Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo sidoo kale laga maqlay rasaas xooggan.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Warbaahintu u sheegay in diyaaradda oo ahayd Drone ay laba mar kusoo laabatay agagaarka Villa Somalia, kadibna waxaa ka shakiyay ciidamada ammaamka oo rasaas ku furay.

Cabsi wayn ayaa la dareemay, waxaana looga shakiyay in diyaaraddu sidday qaraxyo, ujeedkeeduna uu ahaa inay bartilmaameedsato Villa Somalia oo si weyn loo ilaaliyo.

Ciidamada ilaalada ee xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa la sheegay inay qoray Dhashiikaha u adeegsadeen diyaaradda, kadibna ay sidaasi ku carartay, waxaana rasaasta si weyn xalay looga maqlay xaafado ka tirsan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan diyaaraddaas oo shaki wayn gelisay reer Muqdisho iyo laamaha ammaanka Soomaaliya.

Dhowaan ayaa waxaa soo baxay digniino sheegaya in suuragal ay tahay in Al-Shabaab ay adeegsan karto diyaarado Drone ah oo qaraxyo sida, sida lagu sheegay warbixinno kasoo baxday hay’adaha caalamiga ah ee deggan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Maalmo kahor ayay ahayd markii ay Puntland soo ridday diyaarado qaraxyo laga soo buuxiyay oo ay Kooxda Daacish dooneysay inay ku beegsato ciidamada maamulkaasi ee haatan howlgallada culus ka wada dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMaxay Ahaayeen Askarta Soomaalida ah oo isku dhiibay Ciidamada Kenya ?
Next articlePuntland oo Markale Maantay Soo Saartay Go,aano Culus