Home Wararka Maanta Diyaarad Dagaal oo Waday Gantaalo Culus oo Ku dhacday Magaalo Alshabaab Maamulaan

Diyaarad Dagaal oo Waday Gantaalo Culus oo Ku dhacday Magaalo Alshabaab Maamulaan

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta diyaarad nooca dagaalka ah ay ku dhacday duleedka degmada Qoryooley, gaar ahaan tuulo ay maamulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xog heshay Warbaahintu ayaa ku warrameysa in diyaaradda ay ahayd DroneĀ  siday gantaallo waxayna ku dhacday tuulo lagu magacaabo Farsooley, oo ay gacanta ku heyso Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaaraddan ay leedahay dowladda Turkiga oo kamid ah dalalka waa weyn ee taageerada milatari siiya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Macluumaadka la helayo ayaa muujinayo in Al-Shabaab ay gacan gashay diyaaradda iyo agabkii ay sidday, inkastoo ay ahayd nooca yaryarka ee loo adeegsado duqeymaha.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga oo ku aadan diyaaradda ku dhacday tuulada Farsooley oo ku dhow degmada Qoryooley.

Turkiga ayaa indhowaanahan ka qayb-qaadanayay dagaalka Al-Shabaab, waxaana diyaaradihiisa dagaalka ay duqeymo ka wadeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, maā€™aha diyaaraddii ugu horreysay oo ku dhacda dhul ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana dhacdooyin soo laa laabtay oo suā€™aallo iyo shaki xoogan dhaliyay.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Raā€™isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleXamse Cabdi Barre oo Deg Deg usoo Magaacabay BoosaskaWasiiradii Jubaland ee is Casilay
Next articleGanacsato Hor leh oo Maantay Muqdisho lagu dilay