Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Ruwanda oo Heshiis Wada Saxiixday(Sawiro)

Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Ruwanda oo Heshiis Wada Saxiixday(Sawiro)

0
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa dhiggiisa dalka Rwanda Mudane Vincent Biruta, la saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo dhinac socday Shirweynaha Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa.
 
Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan horumarinta iskaashiga labada dowladood iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska, farsamada iyo iskaashiga dhaqanka.
Saxiixa Heshiiskan Is-afgaradka ah ee cusub ayaa saldhig u noqon doona xiriir qotodheer oo dhex mara Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku qotoma wax wada qabsiga iyo danaha labada shacab iyo labada dowladood ee saaxiibbada ah.
Ad
Previous articleDeg Deg Cali Guudlaawe oo ku Wajahan Baladweyne iyo jeneraal Xuud oo Diiday
Next articleGudigii Rooble u Magacaabay soo Celintii Ciidamadii Baladweyne Oo maantay Dib Ugu soo Labaanaya Muqdisho ayagoon Baladweyne Tagin