Home Wararka Maanta Dilaa Dad Badan Dilay kuna xiran Xabsi oo codsaday in uu ka...

Dilaa Dad Badan Dilay kuna xiran Xabsi oo codsaday in uu ka qeybgalo dagaalka ka socda Ukraine

0

Dhiig-Yacabka weyn ee Raashiyaanka ee lagu magacaabo Mikhail Viktorovich Popkov waxa uu sheegay inuu doonayo inuu ku biiro askarta Raashiya ee dagaalka kula jira milliteriga dalka Ukraine.

Wareysi uu telefishinka Qaranka Raashiya kula yeesheen xabsiga uu ku xiran yahay waxa uu eedeysanaha codsaday inuu ka qeyb galo dagaalka Ukraine, maadaama ay Dowladda Raashiya horey u sheegtay in la cafinayo maxbuuskii 6 bilood ka qeyb qaata dagaalka Ukraine, waaba haddii ay sii noolaadaan.

Dilaaga Mikhail V. Popko waxaa la xukumay, kadib, markii lagu helay inuu kufsaday, kadibna dilay Haween badan, isagoo u adeegsaday mindiyo, faasas, kashawiitooyin ama qalab kale oo mudac leh.

Ilo la tirsan bioliska Raashiya waxay rumeysan in tirada haweenka uu dhibaateeyey ay tiro ahaan kor u dhaafayaan 200 oo Haween, kuwaasi oo ay da’dooda u dhexeysay 18 ilaa 50 jir.

Wareysiga Mikhail Popkov siiyey Telefishinka Qaranka Raashiya waxa uu tilmaamay inay riyadiisa tahay inuu ku biiro ciidanka Raashiya iyo inuu dagaal u aado Ukraine.

Dilaaga waxa uu sheegay inuu garanayo inuu dagaalku yahay Khatar xaqiiqo ah oo uusan dagaalku ahayn sida ciyaarta Video-ga (a video game).

Waxa kale oo uu wareysiga ku sheegay inuu ka baqo qabowga daran, kana door-bidayo in loo diro dagaalka oo uu xusay inuu soo badbaadi doono.

Dilaaga Mikhail Popkov waxa uu dilal baahay ka geystay magaallooyinka Arngark, Irkutsk oo tirsan Gobalka Saybeeriya iyo Vladivostok ee bariga fog ee dalka Raashiya muddadii u dhexeysay sanadihii 1992-kii ilaa 2010-kii.

Tirada haweenka uu kufsaday, kadibna uu dilay waxaa tiradoodu lagu sheegay ilaa 200 oo qof, inkastoo markii la maxkamadaynayey lagu soo oogay 78 Fal-dembiyeedyo Dilal iyo Kufsi ahaa.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleNin Qoyskiisa 66 Sano Xanaaq uga Maqnaa Oo Dib usoo laabtay(Sawiro)
Next articleXiliga la Qabanaayo Kursigii Golaha Shacabka ee uu Baneeyey Mahad salaad oo la Shaaciyay