Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa wiil yar oo 14 jir ahaa, kaasoo lagu dilay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle, iyadoo dilka uu dhaliyay xiisad ka taagan xarunta Sh.Dhexe.
Askari ka tiraan ciidanka dowladda ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay toogashada wiilkan yar oo lagu magacaabo jiray Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan Xuundow, kaasoo kamid ahaa ardayda wax kabarata dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Xasan Barsane.
Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in sababta dilka ay la xiriirto dhac taleefan oo loo geysanayay marxuumka, iyadoo toogashada kadibna uu goobta isaga cararay gacan ku dhiiglaha, waxaana meydka la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Jowhar.
Ciidamo uu wato gudoomiyaha gobolka Sh.Dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) ayaa daqiiqado kadib tagay goobta dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgalo baaritaana walow aysan ku guuleysan soo qabashada danbiilaha, Axmed Faal ayaa ku goodiyay in cadaalada la horkeeni doono askariga dilkan geystay.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay