Home Wararka Maanta Dil Goordhow ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Dil Goordhow ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay xaafada Laabeeriya ee degmada Waabari ku dilay nin la sheegay in uu katirsanaa shaqaalaha waaxda canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa goob shaaha laga cabo ku toogtay Cilmi Xaaji Leged oo katirsanaa saraakiisha canshuuraha qaabilsan, kooxda dilka geesatay ayaana goobta si deg deg ah uga baxsatay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad Sugida oo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay howlgalo aan lagu guuleesan in lagu soo qabto ragii dilka ka dambeeyay.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dilla loo geesanayay dad shacab ah iyo shaqaalo katirsan dowladda, inta badan ragii dilalkaasi geestay ayaana ka baxsaday gacanta laamaha ammaanka.

Ad
Previous articleXubno sare oo ka Tirsana alshabab oo Howlgal Lagu Dilay
Next articleAqriso: Xildhibaano Cusub oo Goordhow lagu Doortay Magaalada Baydhabo(Sawiro)