Home Wararka Maanta Digniinta duulimaadka Soomaaliya iyo isbedal Lagu sameenayo.

Digniinta duulimaadka Soomaaliya iyo isbedal Lagu sameenayo.

0

Xog hoose oo aan ka helay Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaliyeed (Somali Civil Aviation Authority) ayaa sheegaya in maamulka hay’adda ay isku dayayaan sare uqaadida adeegga hawada sare (Airspace Upgrade From Class G to A).

Isku dayga sare uqaadida adeegga hawada sare ayaa ku soo aaday, iyadoo ay hay’addaha caalamiga eh ee International Civil Aviation Authority (ICAO) iyo International Air Transport Association (IATA) ay ka muujiyeen walaac dhanka badqabka duulimaadka hawada sare (Safety Concerns) taasoo ay ka dhalatey digniin ah in gabi ahaanba la faray hay’adda duulimaadka rayidka ah ee Soomaaliyeed iney sida ugu dhaqsiyaha badan ku joojiyaan ayna qaataan tallooyinka loo soo jeedinayo, maadaama ay arrintani tahay caqabad dhanka duulimaadka hawada sare ku ah.

Warbixin dheer oo ay soo saartey ICAO oo ah hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha duulimaadka caalamiga 16-kii bishii December 2021 ayay ku boorisey madaxda maamulka sare ee Somali Civil Aviation Authority in isku dayga sare u qaadida ay ka dhalan doonto walaac weyn oo dhanka badqabka ah, taasoo ah in gabi ahaanba la xiri doono maritaanka hawada sare ee Soomaaliya.

Warbixintaas dheer kadib, hay’adda IATA ayaa 23 December 2021 sidoo kale u sheegtey Hay’adda Duulista Soomaaliya inay dib udhigaan qorshahan isla markaana ay gabi ahaanba ka saaraan documents ka qaldan ee lagu faafiyey (NOTAM A0123/21).

Waxaa hore u jirey qorshe sanadkii 2017 shir ka dhacay magaalada Mumbai ee dalka India lagu qorsheeyay in hawada sare ee Soomaaliya lagu wareejiyo dawlado kale ama shirkado gaar ah, hase yeeshee ay fashilmeen.

Arrintan ayaa keeneysa in qorshihi hore ee fashilmey dib loo soo cusbooneysiiyo, iyadoo lagu sababeynayo sare u qaadida adeegga hawada sare, isla markaana ay ka dhalan doonto in ICAO dib ula wareegto maamulka hawada Soomaaliya , taasoo hore looga soo celiyey 28 December 2017.

6 January 2022 oo ku beegan maalinta berri ayaa la filayaa in uu dhaco Shir aalada foggaan araga ah oo ay soo qaban qaabisey hay’addaha duulimaadka caalamiga ee u qaabilsan Qaramada Midoobey oo loo soo gaabiyo ICAO iyo IATA taasoo lagu martiqaadey ICAO Regional Offices, ICAO headquarter (Montreal, Canada), Air Navigation Bureau, iyo Airlines-ka. Waxay shirkan la yeelanayaan Maamulka sare ee Somali Civil Aviation Authority (SCAA) si ay ugu sharaxaan sababaha dhaliyey iney hay’adda, iyadoo aysan u diyaarsaneyn ay dedejiyaan qorshahan (airspace upgrade ka). Waxaa la filayaa 6 January 2022 wixii ka dambeeya in ICAO ay go’aan ka qaadan doonto gabi ahaanba maamulka hawada Soomaaliya.

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha
Ad
Previous articleUrurada Bulshada rayadka oo ku biiray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran (Sawiro)
Next articleDowladda Soomaaliya oo Beenisay in lala wareegay Hawada Soomaaliya