Home Wararka Caalamka Digniin ku saabsan khiyaano internet-ka oo lagu beegsanayo dadka bixiya canshuuraha ee...

Digniin ku saabsan khiyaano internet-ka oo lagu beegsanayo dadka bixiya canshuuraha ee Sweden

0

Internetstiftelsen ayaa ka digtay isku dayo khiyaano internet ah oo lagu bartilmaameedsanayo dadka bixiya canshuuraha, iyada oo loo marayo bog internet oo been abuur ah oo si aad ah ugu eg bogga rasmiga ah ee Skatteverket. Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay hay’adda canshuuraha bilaabeyso dirista waraaqaha caddeynta canshuuraha malaayiin qof toddobaadkan.

Mas’uulka wacyigelinta ee Internetstiftelsen, Björn Appelgren, ayaa sheegay in khiyaameeyayaashu sameeyeen bog u muuqda mid la mid ah kan Skatteverket, balse leh cinwaan internet oo ka duwan. Ujeeddadu waa in dadka lagu qaldo si ay u bixiyaan xogtooda bangiga. Warkan waxaa sidoo kale baahisay TT News Agency.

Skatteverket ayaa tan iyo Isniintii bilowday inay dirto warqadaha caddeynta canshuuraha dadka leh sanduuqa boostada dijitaalka ah sida Kivra. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah dadka ayaa helay farriimo khiyaano ah oo sheegaya in “lacag celinta canshuurta la oggolaaday,” isla markaana ka codsanaya qofka inuu geliyo xogtiisa bangiga oo uu xaqiijiyo aqoonsigiisa iyada oo loo marayo waxa lagu sheegay “nidaam ammaan ah”.

Björn Appelgren ayaa sidoo kale sheegay in farriimaha noocan ah ay jireen tan iyo bishii Diseembar, isagoo intaa ku daray in qaar ka mid ah farriimaha cusub ay ku jiraan QR code. Marka la iskaaneeyo, QR-kaas wuxuu qofka u gudbinayaa bogga been abuurka ah halkaas oo laga codsado xogta kaarka bangiga, taasoo u sahlaysa khiyaameeyayaasha inay xadaan lacagta qofka.

Ad