Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dibadbaxyo ay dhigayaan dadweynaha magaalada isla markaana ay kaga soo horjeedaan heshiiskii is af-garadka ahaa ee dhawaan dhexmaray dowladda Itoobiya iyo jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Isu soo baxyadaan oo ay ka qayb galayaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa sidoo kale taageeraya dowladda federaalka oo iyadu si adag uga hortimid heshiiskaas.
Waddooyinka ayaa xiran waxaana la adkeeyay ammaanka magaalada, iyadoo la qorsheeyay in dadku ay isugu tagaan fagarayaal ku yaalla Muqdisho halkaa oo sida la sheegay khudbado laga jeedin doono.
Tan iyo markii ay heshiiska is af-garadka ahaa kala saxiixdeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo raysal wasaare Abiy Axmed kowdii bishaan waxaa soo badanayay tillaabooyinka diblumaasiyadeed ee dowladda Soomaaliya ay qaadayso ayna kaga soo horjeeddo heshiiskaas.