Home Wararka Maanta Dhuusomareeb: Gaadiidleyda oo maanta dhigay Banaabaxyo

Dhuusomareeb: Gaadiidleyda oo maanta dhigay Banaabaxyo

0

Qaar kamid ah Gaadiidleyda ka howlgalla Magaalada Dhuusamaresb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug gaar ahaan kuwa ku Shaqeysta Gawaarida yar yar ee dhikilaha loo yaqaan ayaa Maanta oo Arbaco waxaa ay dhigeen Banaanbax ay kaga cabanayaan qaadashada  taargada Cusub Ee Maamulka Galmudug.

Banaanbaxayaasha oo isugu yimid goob fagaaro ah ayaa sheegay in cabashadooda la xiriirto in lagu amray bixinta lacag farabadan oo looga iibinayo taargada, isla markaana taasi aysan awoodin.

Qaar kamid ah Gaadiidleya Magalada Dhuusamareeb ee banaanbaxa dhigay ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan lacagaha faraha badan ee la doonayo inay ku iibsadaan taargada Cusub ee Galmudug, taasina aysan awoodin.

Waxaa ay Madaxweynaha Galmudug  iyo Wasaaradda Gaadiidka ugu baaqeen laga qafiifiyo lacagaha faraha badan ee looga iibinayo Taargada Galmudug si markii ay u qaataan si caadi ah Magaalada uga Shaqeystaan.

Wasaaradda Gaadiidka dowlad Goboleedka Gamudug ayaa dhawaan sameeysay taargooyin Cusub oo la doonayo inay qaataan Gaadiidka ka howlgalla degaannada Galmudug, waxaana inta badan qaatay Gaadiideyda Magaalooyinka Galmudug halka Gaadiidleyda kale ay diideen

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXeer ilaalinta Maxkamada oo war xasaasi ah ka soo saartay Kiiskii ikraan Tahliil
Next articleAkhriso:- Qodobada looga hadlayo Shirka London ee Raisal Wasaare Rooble ka qeyb galayo