Home Wararka Maanta Dhuusamareeb oo xal u heshay geedka garanwaaga

Dhuusamareeb oo xal u heshay geedka garanwaaga

0

Geedka garanwaaga oo meelaha qaar looga yaqaan ‘Cali Garoob ama iskabaxaa’ ayaa haatan Soomaaliya waxaa looga helay xal kadib markii shirkadda ECOSOM, oo ka shaqeysa oo arrimaha deegaanka, ay sheegtay in ay u baddaleyso dhuxul iyo calafka xoolaha.

Geedkaan garanwaaga ah ayaa ah mid ka baxa goob kasta mana ahan mid u baahan waraab ama dhulka jilicsan in uu ka baxo, waxaana lagu arkaa goob kasta oo ay kamidka yihiin dhulka dhagaxa leh oo aysan ka bixi karin geedaha kale sida kuwa dadka ay manaaficaan, wuxuuna mararka qaar dhibaato ku yahay deegaanka iyo xoolaha.

Shirkadda ECOSOM ayaa shaqadaan ah in geedka garan waaga ay u badasho dhuxul waxa ay soo bilowday sanadkii 2017, xilligaas oo ay marba magaalooyinka Soomaaliya ku fidayeen.

Injineer Maxamed Cabdullaahi Rooble oo kamid ah madaxda ugu sareysa ee shirkadda ECOSOM ayaan wax ka weydiinnay sababta ay ku doorteen geedkaan in ay u baddalaan dhuxul iyo sida ay ugu hirgashay.

“Geedkaan waxa aan ku dooranay maadaama uu caqabad ku yahay deegaanka, beeraha, iyo duunyada oo aysan caqabadiisu mid kooban ahayn, sidoo kale dadka uu waxyeello caafimaad u geystay ayaan ku doorannay in aan xal u keeno,’’ ayuu yiri Injineer Maxamed.

Waxa uu intaa ku daray in ay sameeyeen warshado kuwaas oo geedkaan u badalaya dhuxul, markii ay hirgaiyeena ay u suurtagashay in ay goobo badan ka yareeyaan geedkaan.

Dhanka kale Injineer Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda ECOSOM ay shaqo abuur u noqotay tobonaan qof oo horay shaqo la’aan u heysay, waxa ayna shirkadda hadda xarumo ku leedahay ilaa 9 meel oo kala duwan sida uu BBC-da u sheegay, iyagoo isla howshan ka fuliya deegaanno kale.

Sida geedka garanwaaga loogu baddalo dhuxul iyo calaf xoolaad

Sida uu injineerka BBC-da u sheegay, warshadeynta geedkaan ayaa marta marxalado kala duwan, marka geedka la soo jaro ayaa la foorneeyaa oo loo kala saaraa dubka sare ee qodaxda wata iyo ulaha ama jiridda oo la jarjaro kadibna la warshadeeyo sidaasna dhuxul loogu badalo.

Dhanka kale qolofka geedka, caleenta iyo miraha ayay u badalayaan cows ay xoolaha cunikaraan, “Caleenta iyo miraha waa la warshadeeyaa kadibna iyada oo caws camal ah ayaa xoolaha la siinayaa taasina kama dhigna in mar kale uu geeska soo baxayo,’’ ayuu yiri injineerka.

Shirkaddaan ayaa sheegtay in qorshahooda uu yahay in ay suuliyaan geedkaan oo ay beegsadaan meelkasta oo uu ka baxo iyaga oo uga faa’iideysanaya noocyo kala duwan sida in ay dhuxul u badalaan iyo in ay cows u badalaan.

Dhanka kaleinjineer Maxamed ayaa sheegay in deegaannada shirkaddooda ay gaartay oo ay geedkaan ka jareen aad looga soo dhaweeyay, dadkuna ay ku bogaadiyeen shaqada ay hayaan.

‘’Dadku waxa ay u ahayd maalmo ciid ah oo kale kadib markii ay warshadaan soo gaartay, deegaannada Galmudug aad ayaa nalooga soo dhaweeyay waxa aana hadda ku soconnaa magaalooyinka kale ee Galmudug,’’ ayuu yiri injineer Maxamed.

Geedkaan ayaa markii hore loo keenay in lagu celiyo carra-guurka ama in goobaha qaar uu bacaadku ka guuro, inkasta oo markii dambe uu ku faafay meel kasta oo ka tirsan Soomaaliya, inkata oo uu markii danbe isku baddalay mid dhibaato ku ah beeraha iyo xoolaha sida ay sheegaan dadka ku xeel dheer geedaha.

Ad
Previous articleGudoomiye Adan Madoobe oo Amar Culus kusoo Rogay Xildhibaanada Baarlamaanka Iyo Xildhibaano ka Carooday
Next articleKhilaafka Itoobiya iyo Masar ee wabiga Niil ayaa cirka isku shareertay