Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay magaaladaasi, taas oo u dhexeyso laba ciidan oo ka wada tirsan dowladda.
Xiisadda ayaa salka ku heyso muran xoogan oo ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi oo u dhexeeyo ganacsade dagan magaalada oo lagu magacaabo ina Xasaashi garuun iyo maamulka Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Galmudug ayaa lasoo wariyay in ganacsadaha ay ku amartay inay ka guuro dhulkaasi oo ay leedahay dowladda Soomaaliya, balse uu ka biyo diiday, waxaana kadib sidaas ku qaraxday xiisadda u dhexeysa labada dhinac.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi xoogleh ka muujinayo suurtagalnimada dagaal ka qarxa caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda Galmudug, kuna aadan xiisadda dagaal ee saaka taagan maagalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Si kastaba, xiisadda taagan ayaa saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa guud ee ganacsiga magaalada oo saaka xiran, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.