Home Wararka Maanta Dhulgariir ku dhuftay Hollywood kadib abaalmarintii Oscar

Dhulgariir ku dhuftay Hollywood kadib abaalmarintii Oscar

0

Dhulgariir cabirkiisu yahay 3.9 magnitude ayaa ku dhuftay xarunta aflaanta ee Hollywood, kadib markii jilaayaasha caanka ah ee caalamka ay bilaabeen dabaal degga abaalmarinta Oscars.

Xadunta dhulgarirka ayaa la ogaaday inay tahay buurta waqooyiga Hollywoodka, taas oo dhowr meeyl u jirta halka ay ka dhacday xafladda abaal marinta Dolby Theatre.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo soo baxay oo la xiriira khasaaraha ka dhashay dhulgariirkaas, gaar ahaan burbur ama dhaawacyo.

Dhulgariirku waxa uu dhacay wax yar ka dib 22:00 xiliga maxaliga, xilli dadka caanka ah ay isugu soo baxayeen fagaaraha caanka ah ee Vanity Fair.

Xarunta dabagalka ku sameysa dhacdooyinkan oo kale ee Mareykanka, ayaa sheegtay in dhulgariirku laga dareemay goob fog oo Los Angeles ah.

Dhulgariirkan ayaa kamid ah 40 kale oo ku dhuftay koonfurta California, tan iyo bilowgii bishii Maarso, inkastoo ay ahaayeen kuwo ay dadka aad u dareemin.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleDowladaha Carabta iyo Qaramada Midoobay oo cambaareeyay tallaabo ay qaadday Israa’iil
Next articleTaliye iyo ciidadamadiisa oo kasoo baxsaday Furimaha Dagaalka oo xabsi la dhigay