Home Wararka Maanta Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal hada ka socda Degmada Qoryooley

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal hada ka socda Degmada Qoryooley

0

Dagaal Qaraar ayaa Goordhow Ka Qarxay Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shaabelada Hoose.

Dagaalkaan ayaana U Dhaxeeya Laba Qabiil oo Wada Dagmada Qoryooleey kuwaas oo Dhowr jeer Ku Dagaalamay Degmada Qoryooleey.

Inkastoo Si Rasmi ah Loo Diiwaan Galin khasaaraha Guud ee Dagaalka Waxaa Durbaba Lasoo Warinaayaa Inuu Jiro Khaasaro Dhimasho iyo Dhaawac leh.

Dagaalka ayaana Haatan kusii Fidaaya Qaybo Hor leh oo ka Tirsan Degmada Qoryooleey.

Labadaan Qabiil ayaana Maalmihii Lasoo dhaafay isku Hub Aruursanaayay Madaama Ay Dad Badan Horay isaga Dileen.

Labadaan Qabiil ee Dagaalamaaya Ayaa kala Ah Gare iyo Jiidle kuwaas oo Dhowr jeer Afka Iskudaray Qoryooleey.

 

 

Ad
Previous articleAlshabaab oo Dab Qabadsiiyay Gaari Iyo Alaabtii U Siday oo Ku Wajahnaa Jowhar
Next articleATMIS oo Saldhigaan Maantay Ku wareejiyay Ciidamada Dowlada Xili ay Baxayaan