Home Wararka Maanta Dhaqtarkii Dilaaga Ahaa ee Ka Tirsanaa Alshabaab oo Xukun Adag Lagu Riday

Dhaqtarkii Dilaaga Ahaa ee Ka Tirsanaa Alshabaab oo Xukun Adag Lagu Riday

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay nin ku shaqeysan jiray dhqatartnimo iyo sarkaal sare oo ciidan oo lagu helay inuu Alshabaab ka mid ahaa, kana shaqeeyay qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax) ayaa lagu soo eedeeyay inuu ka tirsanaa Alshabaab, isla markaana wuxuu magaalada Muqdisho uga soo shaqeeyay inuu yahay dhaqtar neerfaha ah, islamarkaana wuxuu mararka qaar xiran jiray darajada sarkaal oo ah gaashaanle, isagoo sidoo kalena heystay aqoonsiga wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka.

Ninkan ayaa lagu soo eedeeyay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa illaa sanadkii 2009, isagoo fuliyey kana qeyb qaatay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida qarixii Isgoyska Jubba 2019, 2021, weerar ka dhacay Garasbaalley, Qarixii ergadii Doorashada Gobollada Waqooyi iyo qaraxyo kale.

Maxkamadda ayaa lagu soo bandhigay shaqooyinka Maxamed Cabdinuur Jiirow ayaa muuqaal ay baahisay Maxkamadda ciidamada ku qirtay inuu Alshabaab ka mid ahaa, isagoo lagu xukumay dil toogasho ah.

Muuqaal laga duubay ayuu ku sheegayaa inuu wajiyadaas kala duwan u isticmaali jiray inuu ku qariyo kamid ahaanshihiisa Al-Shabaab iyo falalka uu geysto.

Maxkamadda ayuu ka qirtay inuu ku lug lahaa weeraro ay dad badani ku dhinteen

Dr. Fanax ayaa Waxaa lagasoo qabtay magaalada Baladweyne sanadkii hore kadib doorashadii madaxweynaha, ka gadaal markii uu iska dhigay gaashaanle Militari ah.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDagaal culus oo ka dhacay duleedka Baladweyne iyo Alshabaab oo Laga Duldhacay
Next articleWAR DEG DEG AH: Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degmo Ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan laga Qabsaday