Ururka Bulsho ee ka dhisan magaalada Utrecht ee waddanka Holland ayaa xalay kulan ballaaran ugu qabtay magaaladaasi mushtamaca Soomaalida ee halkaasi ku dhaqan.
Cabdullaahi Caabbi, Bootaan iyo Cali oo ka mid ah hormuudka ururka Bulsho, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in isu-imaatinkoodu ka dhashay markii dhalinyaro Soomaali ah oo tiradooda gaareyso 4 ay is dileen.
“Waxaa hurdada naga soo kiciyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee magaalada ka dhacay, kuwaas oo ahaa dhacdooyin aad u xanuun badan, haddii aan nahay reer Utrecht waxaan iska wareysanay sidii aan isaga warqabi laheyn,” ayuu yiri Caabbi oo ka mid ahaa dadkii kulankaasi ka hadlay, isaga oo ugu baaqay waalidiinta magaalada ku dhaqan in ay la soo xiriiraan ururka haddii ay u baahdaan in la caawiyo.