Home Wararka Maanta Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Ahlusuna oo dhamaystiran kana hadlaya Arima Xasaasi ah

Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Ahlusuna oo dhamaystiran kana hadlaya Arima Xasaasi ah

0

Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay qorshahooda ku aadan maamulka Galmudug, iyo dagaaladii ka dhacay Degmada Gurceel ee Gobalka Galgaduuud.

Macalin Maxamuud oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Ahlu Sunna ahaan ay maamulka Galmudug ay u deynayaan madaxweynaha maamulka, islamarkaana ay ayaga leeyihiin doorka Raysal wasaaraha.

”Xalka Galmudug wuxuu ku jiraa in la wada fariisto, hadii la diidana anaga shaqadeena uma joonineyno oo howsheena waan wadaneynaa dadka isku daya inay na soo weeraraana waan iska difaaceeynaa” ayuu yiri Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Guddoomiyaha oo sidoo kale ka hadlaayay dagaalkii ku dhexmaray degmada Guriceel ayaga iyo ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug ayaa nasiib daro ku tilmaamay dagaalkaas oo khasaare badan dhaliyay, islamarkaana sheegay in ayaga weerarka dagaalkaas lagu soo qaaday.

“Guriceel waa gurigeenii, Dhuusamareeb waa gurigeenii aniga kula hadlaya ayaana ku dhashay Sheekh Shaakir baa ku dhashay xagey ka imaataa wax dowlad la yiraahdo oo dhaheysa dadku dalka ma imaan karaan, dowlad ma tahay marka horeba” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Warkaan kasoo baxay Guddoomiyaha Guud ee Ahlusunna Macalin Maxamuud ka sokow ayaa waxaa mar jirtay in Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna inuu horay usoo noqday madaxii Xukuumadda Galmudug oo u dhiganta Raysul Wasaare.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleWafdi ka socda Midowga Arika oo Maanta imaanaya Muqdisho
Next articleRa”isul Wasaaraha Soomaaliya oo la Kulmay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey