Home Wararka Somaliya Galmudug Suldaan C.naasir jaamaca Seed oo Deeq Xoolaha Gaarsiiyay Ciidamada Daraawishta Galmudug(Sawiro)

Suldaan C.naasir jaamaca Seed oo Deeq Xoolaha Gaarsiiyay Ciidamada Daraawishta Galmudug(Sawiro)

0

Suldaan C/naasir Jaamac Seed ayaa ciidamada difaaca gobolka Mudug ee fadhigoodu yahay degmada Wisil gaarsiiyay deeq xoolaa oo uu ugu talogalay dhiiro galinta ciidamada Daraawiishta iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al-Shabab.

Suldaan C/naasir Jaamac Seed ayaa kaga mahadceliyay saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee Ciidamada Dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab isagoona kula dardaarmay inay u diyaar garoobaan dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Wisil C/garad Cumar iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa deeqdaan kaga mahadceliyay Suldaan C/naasir Jaamal.

Ad
Previous articleSweden oo ka hadadshey Qaraxii ka dhacay Magaalada Istanbul ee Turkiga
Next articleMareykanka oo lacago cusub dul dhigay Madaxda sare ee kooxda Al-shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here