Home Wararka Maanta Dhageyso Dagaal xoogan oo ka socda Gobalka Mudug iyo Shaqsi caan ah...

Dhageyso Dagaal xoogan oo ka socda Gobalka Mudug iyo Shaqsi caan ah oo Hogaaminaya Dagaalka

0

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidanka Milateriga Soomaaliya, Ciidanka Maamulka Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka socda deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug.

Sida wararku sheegayaan dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Ciidamada Milateriga iyo kuwa Galmudug ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Camaara oo saldhig u ahaa Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada dagaalka qeybta ka ah uu hoggaaminayo Jen. Saadaq John Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir, kaasoo la sheegay in dhowaan Madaxweynaha Galmudug u magacaabay inuu hoggaamiyo howlgalada ka socda deegaanada Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa laga soo xigtay inay ku dhow yihiin deegaanka Camaara, ayna qorsheynayaan in waqtiyada soo socda la wareegaan.

Dagaalka ayaa ka socda deegaan lagu magacaabo Godad oo illaa 15KM u jirta deegaanka Camaara.

Ciidanka Milateriga Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa muddo todobaad ah howlgallo ka wada deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, iyagoo la wareegay degmada Bacaadweyn iyo deegaano kale.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo la wareegay Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug
Next articleMasuuliyiin ka tirsan Galmudug oo Kormeer ku tagay degaano u dhow Magaalada Dhuusamareeb