Home Wararka Maanta Xildhibaanada Beesha Abgaal oo Dowlada Xasan Shiikh u Hanjabay

Xildhibaanada Beesha Abgaal oo Dowlada Xasan Shiikh u Hanjabay

0

Inta badan Xildhibaanada beesha Abgaal ayaa maanta kasoo qeyb galay banaanbax ka dhacay taallaada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, banaanbaxaas ayaa lagu dalbanayey cadaaladda sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo dhawaan lagu dilay Muqdisho iyo wiil kale oo galabta lagu dilay isla fagaaraha Daljirka.

Xildhibaan Cismaan Xaadoole, Xildhibaan Maxamed Cajiib, Xildhibaan Yuusuf Kabaale, Xildhibaan Yaasiin Farey, Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul iyo Duqa Muqdisho ayaa dadweynihii careysnaa kala soo qeyb galay banaanbaxa.

Dadka banaanbaxa dhigay ayaa dowladda ka codsaday in cadaaladda lasoo taago ragii dilay sarkaalka oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Nabad Sugidda, sidoo kale masuuliyiinta ayaa fagaaraha Daljirka kula hadlay dadweynihii careysnaa.

Iyadoo laga cabanayo dilkii Dhamme Sayid Cali Cabdi ayaa galabta wiil kale oo dhalinyaro ah lagu toogtay fagaaraha Daljirka, kadib markii askar isku dayeysay inay dadka kala buriyaan ay rasaas ku fureen dadkii bilaabay banaanbaxa.

Wiil ka mid ahaa dadkii banaanbaxa bilaabay ayaa halkaas ku geeriyooday waxaana cakirantay xaaladda oo waxaa cirka isku shareertay carada dadweynaha, intaas kadibna waxaa goobta soo gaaray masuuliyiinta dowladda ku metesha dadweynihii cadaaladda dalbanayey.

Xildhibaanada oo mid mid u hadlay ayaa balan-qaday in kiiska Taliye Sayid-cali ay dabageli doonaan oo dhiigiisa ay meel soo saari doonaan, cadaaladana lagu xali doono kiiskaan oo ah mid culus, maadaama la dilay sarkaal muhiim ah.

Xildhibaanada ayaa dadweynaha careysan ka codsaday inay kala tagaan oo banaanbaxa joojiyaan, isla markaana ay ka war sugaan ayaga oo cadaalad u raadi doona wiilasha la dilay oo mid uu ahaa sarkaal muhiim ah oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Israsaaseyn habeeno ka kor ka dhacday degmada Boondheere ayuu dhaawac culus ka soo gaaray Taliye Sayidcali iyo askar ilaalo u aheyd, kadib markii sida la sheegay inay gurigiisa ku weerareen askar ka tirsan NISA.

Taliyaha ayaa shalay u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, waxayna masuuliyiinta maanta hadlay qabsadeen 3 maalmood oo arrintaan ay xalkeeda ku keeni doonaan, iyagoo balan-qaaday in ehellada marxuumka ay warbixin dhameystiran u soo gudbi doonaan.

Ad
Previous articleGalmudug oo La Amray inay Qabato Doorashada Booska Senator Dhawaan Geeriyooday
Next articleTurkiga oo jaray xiriirkii ganacsi ee Israa’iil kaas oo ku kacayay balaayiin doollar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here