Home Wararka Maanta Dhacdo argagax leh oo laga soo warinaya degmada Afgooye

Dhacdo argagax leh oo laga soo warinaya degmada Afgooye

0

Dhacdo argagax leh ayaa laga soo warinaya degmada Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaasi oo nin uu tooreey ku dilay soddohdiis.

Ninkan ayaa sidoo kale dhaawacay xaaskiisa iyo gabadh la dhalatay oo dumaashidii ah iyo nin oday ah oo la sheegay inuu ku baxay dadka uu leynayo, si uu uga qabto ninkaan oo illaa hadda la xaqiijin inuu madax ka jiranaa iyo inkale.

Ninka dilka geystay oo ahaa aabaha reerka, ayaa waxaa la sheegay inuu muran soo kala dhex galay xubnaha kale ee uu dilka iyo dhaawaca u geystay ee qoyskiisa kamidka ah.

Ninkan ayaa waxaa hadda gacanta ku haya laamaha amniga, iyada oo haweenka uu dhaawacay qaarkood loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleDagaal markale Dhex Maray Beelaha Sacad iyo laylkase iyo Ciidamo Loo Diray(Sawiro)
Next articleDagaal Culus oo ka Dhacay Degmada Luuq iyo Suuqii Raxanwaynta Oo la gubay