Home Wararka Maanta Dhaar Layaab leh oo La marsiinaayo Qaar Ka Mid ah Xildhibaanada Soomaaliya(xog)

Dhaar Layaab leh oo La marsiinaayo Qaar Ka Mid ah Xildhibaanada Soomaaliya(xog)

0

Marka laga imaado dhaarta Dastuuriga ah ee Xildhibaanada waxaa jirta dhaar kale oo inta badan Musharaxiinta madaxweyne ay marsiiyan Mudaneyaasha Baarlamaanka, taasi oo ay ku damaanad qaadanayaan inay codka siin doonaan.

Dr. Cali Sheekh oo ka faalooda arrimaha Siyaasadda gaar ahaan midda Soomaaliya oo ka hadlay arrintaas ayaa sheegay in dhaarta labaad ee la marsiinayo Xildhibaanada ay khilaafsan tahay midda hore.

“Waxaa ku dhaarateen dhamaantiin in aad fulineysa danta guud ee umadda, sidaas ayaa la rabaa in aad tihiin oo ku fulinaysaan, laakiin sidii loo joogay ayaa waxaa timid dhaar la yidhaahdo laaluush, in aad codka isiineyso ii dhaaro,” ayuu yiri.

“Labada dhaar marka in la kala daayo weeyi oo dhaarta hore maxaa loo mari haddii aan laga dhabeynayn. Dhaarta hore asal ayay aheyd ee dhaarta labaad adiga ayaa si qalad ah u galay.”

Waxa uu ujeediyay Xildhibaanada inay ku dhaqmaan dhaartii hore, ayna Ilaahay ka baqaan oo aysan codkooda ku badalan maal aduunyo oo ugu hiiliyaan danta dalka iyo umadda Soomaaliyeed.

“Waxaa laga rabaa (Xildhibaan) inta aad is waansato marka aad tagto sanduuqa oo arrinta ay tahay adiga iyo Ilaahay aad tiraahdo Ilaahayow been ayaa sheegay oo waan ka towbad keenay oo hebel ayaa ila fiican oo codka siiso. Towbadana wey furan tahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka digay cawaaqib xumada ka dhalaneysa in la khilaafo dhaarta sharciga ah ee ay mareen Xildhibaanada, taasi oo uu qofka ku mudanayo ciqaab Alle.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleMaraykanka oo Si adag uga Hadlay Weerarkii Ceelbaraf
Next articleSoomaaligii ugu Horreeyay ee Xildhibaan ka noqda Finland oo lagu Dheggan yahay.