Home Wararka Somaliya Puntland Deni oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Xasan Shiikh Kana Hadlay Qaburha...

Deni oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Xasan Shiikh Kana Hadlay Qaburha La Fagaayo

0

Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii dowladda Soomaaliya ay amartay in maydadka lagala baxo qabuurahaasi.

Saciid Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay faagista qabuuraha, wuxuuna weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aysan jirin baahi keeni karta in la faago qabuuraha, isla markaana aysan jirin dhul la’aan, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxa aan leeyahay maytida u dhimri, dhul la’aan ma jirtee, dalka oo dhan waa dhul dowladeed.” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda dhexe in ay horay u iibisay xarumo dan-guud ah, iyada oo looga faa’iideysanayo si shaqsi ah.

“Waxaan ognahay xarumihii dowladda iyo xeryihii dowladda in la yiri waa laga maarmay oo waala iibinayaa, haddana laleeyahay qabuuraa laga maarmi waayay waa la faagayaa, waa arrimo aan is qaban karin,” ayuu sii raaciyay madaxweyne Siciid Deni.

“Baahi dhuleed maanta Soomaaliya uma qabto inay qabuuro faagto. Dhulka Soomaaliya 70% waa banaan yahay, dadkiisa waa yar yahay.”

Horay waxaa sidaan oo kale arrinta qabuuraha uga horyimid siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaas oo eedeymo huwiyay madaxda sare ee dalka.

Si kastaba, waxaa haatan la faagay inta badan qabuuraha oo laga saaray maydadkii, kadib markii ay la baxeen ehelladooda oo u hoggaansamay amarka dowladda, waxayna ku aasteen goobo kale.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Qarax ka Dhacay Baydhabo iyo Sarkaal Sare oo ku Dhintay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Ugu Danbayn ogolaaday inuu Alshabaab Wadhadal Lagalo