Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya culeyskii ugu xooggana ee siyaasadeed, iyada oo mucaaradka ay u direen digniin u muuqata kama dambeys.
Ifiye iyo Sincad ayaa sidoo kale waxay shaaciyeen in ay qaadayaan tallaabo kasta oo looga hortagi karo damaca madaxweyne Saciid Deni.
“In aysan suurta-gal ahayn doorasho madaxweyne iyo ku-xigeen taasi oo ay shacabka toos usoo dooranayaan xilligaan kala guurka ah. Waa in la qabto doorasho ku dhacda wakhtigeeda.”
Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka “Waa in doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay u dhacdo si baarlamaani ah oo Xildhibaannada la soo doortey ay doortaan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.”
Xisbiyadan ayaa waxa kale oo ay soo jeediyeen in musharaxiinta aan ku jirin xisbiyada siyaasadeed loo ogolaado inay si madax-bannaan uga qeyb-galaan doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenka.
“Annaga oo ka duuleyna hirgelinta doorasho loo dhan yahay waa in fursad loo siiyo musharraxiinta aan kamid ahayn xisbiyada hadda jira, waana in loo ogolaado inay si madax-banaan uga qeyb qaadan karaan doorashada madaxtinimada,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xisbiyadan.
Farriimaha xilligaan kasoo baxaya mucaaradka iyo tallaabooyinka ay qaadeyso madaxtooyada ayaa uga sii daraya xaaladda cakiran ee ka taagan maamulka Puntland.