Home Wararka Maanta Deni oo U yeeray Xilibaanada Labada Gole ee Puntland laga Soo Doortay

Deni oo U yeeray Xilibaanada Labada Gole ee Puntland laga Soo Doortay

0

Maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u yeeray xildhibaannada labada gole ee ku metala dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana lagu casuumay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo isagu casuumadda u fudiyay xildhibaannada labada gole ayaa ka dalbaday inay kasoo qayb-galaan xafladda furitaanka kalfadhiga 55-aad ee baarlamaanka Puntland oo dhaceysat 26-ka bishaan.

“Mudanayaal salaan diiran ka dib, waxaa sharaf ii ah in aan idinku casuumo in aad nagala soo qaybgashaan munaasabadda furitaanka kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo dhici doonta sabti, 26-ka Oktoobar, 2024” ayaa lagu yiri waraqadda casuumadda.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaannada heer federaal iyo Puntland ay yeelaan doonaan kulamo wada-tashi ah oo looga hadlayo xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka kasii daraya ee u dhexeeya maamulka uu hoggaamiyo Deni iyo dowladda dhexe.

“Munaasabadda furitaanka kadib waxaan yeelan doonaa kulamo wadatashi ah oo la xiriira xaaladda guud ee dalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland ayaa waxaa haatan xiisad xoogan ay kala dhexeysaa dowladda federaalka, waxaana meesha ka baxday wada-shaqeyntii labada oo muddo dheer hakad ku jirta.

Lama oga waxa ay arrintaan ay soo kordhin doonto iyo wax ay beddali karaan haddii ay xildhibaannada Puntland ku metala labada gole ee baarlamaanka isugu tegaan Garoowe.

Diyaarad Drone ah iyo gantaal lagu weeraray Caasimada Kyiv oo lagu Dhaawacay 70 Qof

Diyaarad  Ruushka laga leeyahay gaar ahaan kuwa aan duuliyaha lahayn, ayaa sababay dab, burburiyey dhismayaal caasimadda Ukraine ee Kyiv, halkaas oo ay ku dhinteen sagaal qof, in ka badan 70

Khilaaf Soo Kala Dhex-galay Mareykanka oo Dhinac ah IMF iyo Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent ayaa ku eedeeyay hay’adda lacagta adduunka ee (IMF) iyo Bangiga Adduunka inay aad uga leexdeen howlihii loo aasaasay. Bessent ayaa sheegay IMF ay ku bixinayso

Al-shabaab oo saaka Weerar Qaraxyo ku billowday ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee G/Sh/Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka War-gaadhi, oo ku

Rag ka tirsan Shabaab oo dad ka afduubtay Mandheere

Wararka naga soo gaaraya gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay galinkii dambe ee shalay afduub u geysteen

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍
Ad
Previous articleUrurka ONLF oo Go’aan ka Nixiyay Abiya Axmed Ku Dhawaaqay
Next articleWar Deg Deg ah:Raysulwasare ku xigeenka Labaad ee Soomaaliya oo la Magaacaabay