Home Wararka Maanta Deni oo soo arkay Dhaawacyada Ciidamada Puntland ee Daacish laysay

Deni oo soo arkay Dhaawacyada Ciidamada Puntland ee Daacish laysay

0

Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa tegay garoonka magaaladaasi, isaga oo u tegay saraakiil iyo askar kusoo dhaawacantay dagaalka Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah.

Deni ayaa booqday dhaawacyada Jenaraal Fu’aad Xanaano iyo Dabale Jaamac Nuur oo kusoo dhaawacmay howl-galka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, kuwaasi oo diyaarad lagu geeyay Boosaaso, si loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad.

Madaxweynaha Puntland ayaa garab istaag u muujiyey saraakiisha iyo askarta dhaawacyada ah, isaga oo u kuurgalay xaaladdooda caafimaad, si uu qiimeeyo daryeelkooda.

Sidoo kale wuxuu faray guddiga taakuleynta ciidanka in xaaladda caafimaad ee saraakiishan dhakhso looga howlgalo, si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhammeystiran oo dalka iyo dibadda ah.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalladu u socdaan sidii loogu talagalay, isla markaana ay guullo waa wayn kasoo hoyeen ciidamada.

Ciidanka ayaa la wareegay talisyo muhiim ah, waxayna Puntland sheegtay inay sii firxanayaan xubnaha kooxda Daacish

“Ciidanka Dowladda Puntland ee ku jira Hawlgalada ciribtirka Argagixisada, ayaa guulo waaweyn ka gaaray hawlgalka buuralayda Calmiskaad, taasi oo siweyn ay usoo dhoweeyeen dadka reer Puntland oo isku duuban Dowlad iyo Shacaba. Waxaana  inta badan Ciidanku la wareegay meelaha ay talisyada waaweyn ka sameysatay Argagixisada Daacish oo hadda firxad ah” ayaa lagu yiri qoraalka ay shaacisay madaxtooyada Puntland.

Ad
Previous articleNin Ajnabi ahaa oo ka Tirsanaa Daacish oo lagu Toogtay Bartamaha Boosaaso
Next articleMaraykanka Soomaali Durbaba Xukun Adag lagu Riday kadib Doorashadii Trump