Home Wararka Maanta Deni oo Maalmo uu Aamusnaa Kadib ka Hadlay Aqoonsiga SSC Khaatumo

Deni oo Maalmo uu Aamusnaa Kadib ka Hadlay Aqoonsiga SSC Khaatumo

0

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay aqoonsiga ay dowladda federaalka Soomaaliya siisay SSC-Khaatumo, ayaa waxa uu shaaciyay inuu caqabad ku noqon karo dhameystirka dastuurka.

Madaxweyne Deni oo maanta khudbad ka jeediyay kalfadhigga baarlamaanka Puntland ayaa waxa uu soo jeediyay in si taxadar leh looga fiirsado isbeddelka cusub ee ku yimid SSC-Khaatumo iyo weliba saamaynta ay ku yeelanayso halka ay Somaliland kaga jirto dhameystirka dastuurka dalka.

“Isbeddelka ku yimid gobolka Sool iyo SSC, oo u baahan in si taxadar leh dalka looga fiirsado mustaqbalkiisa siyaasiga ah. Dastuurka iyo shuruucda dalka ma dhamaystirmayaan illaa SSC-Khaatumo iyo Somaliland xaalkooda la fiiriyo oo miiska la soo fadhiisiyo,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Iyada oo aan meel la saarin aayaha iyo mustaqbalka iyo meesha ay Somaliland kaga jirto dhameystirka dastuurka wuxuu ku noqon doona caqabad aan dhamaan oo u baahan xal joogto ah.”

Arrimahan ayuu sheegay inay caqabad ku noqon doonto geeddi socodka dhameystirka dastuurka, oo xilligaan dowladda federaalka ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso dhameystirkiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo uusan u socon fowdo iyo in uu wax kharibo ee uu doonayo inuu wax saxo, sida uu hadalka u dhigay.

“Puntland wax ma diidana ee waxay rabta inay wax saxdo oo aragtideeda si cad u dhiibato. Puntland waxay diyaar u tahay in hay’adaheeda kala duwan ee masiirigi ka shaqeeya in marxalad kasta iyo xilli kasta u ahaato mid u taagan sidii loo heli lahaa dowlad dhameystiran oo ku dhisan nidaam federaal ah oo dimuqraadi ah.”

SSC-Khaatumo oo dhawaan aqoonsi ka heshay dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa waxa sida muuqata soo afmeertay sanado rejo ah oo maamulka Puntland uu ka qabay inay dhankooda soo marto, maadaam uu dagaal adag dhexmaray Somaliland, oo ayadu dhowrkii sano ee u dambeysay arrimineysay deegaanadaasi.

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii
Ad
Previous articleKoonfurgalbeed oo lagu soo Bandhigay Macawislaydii ugu Horaysay ee Ka qayb Gaalaya Daagalka Ka dhanka ah Alshabaab(SAWIRO)
Next articleMuxuu yahay Heshiiska Gudoomiye Aadan Madoobe lasoo galay Mareykanka(Sawiro)