Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo habeen hore ka laabtay go’aankiisii doorasho qof iyo cod, islamarkaana sheegay inuu ogolaaday in dib loogu laabto hanaankii doorasho ee ka dhici jiray Puntland ayaa haatan qaaday tallaabo kale oo lagu dadajinayo doorashada, maadaama lagu sii dhawaanayo waqtigeeda.
“Waxaan rabaa anoo u turaya Mustaqbalka Puntland in aan halkaan uga dhawaaqo in doorashadu ku dhacdo 8 Jan lagu doorto nidaamkii qabaliga ahaa ee 66 xildhibaan” ayuu xalay yiri Siciid Deni, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimada Garoowe.
Deni ayaa sidoo kale shalay soo saaray xeer madaxweyne oo ku saabsan soo xulidda xubnaha Golaha Wakiilada dowlad-goboleedka Puntland.
Madaxweynaha ayaa dalbaday guddoonka sare ee baarlamaanka inuu soo saaro lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida doorashada, si loo dardargeliyo.
“Hadaba Mudane Guddoomiye waxaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ka codsanayas in ay soo saaraan lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida Doorashada” ayuu yiri Deni.
Go’aanka uu qaatay Deni ayaa ah midka ay rabeen xubnaha mucaaradka ee ku sugan Garoowe, kuwaas oo muddo dheer diidanaa doorasho qof iyo cod ah.
Sidoo kale waxaa haatan Deni laga sugaa inuu soo magacaabo guddigii qaban lahaa doorashada, si ay ugu dhacdo waqtigii loo qorsheeyey.
Dhinaca kale mucaaradka Puntland ayaa la filayaa inay war ka soo saaraan go’aanka uu xalay ku dhawaaqay madaxweyne Deni, maadaama ay mudo dheer u soo dagaalamayeen hanaanka uu xalay ogolaaday in doorashada Puntland loo qabto.
Si kastaba, arrintan ayaa meesha ka saareysa, walaacii laga qabay fowdo ka dhalatay is mariwaaga doorashada Puntland, waxaana haatan bilaabaay ololaha tartanka doorashada.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay