Home Wararka Maanta Deni” Maamulka Puntland maahan Mashruuc looga soo Horjeedo Dowladnimada Somaliya

Deni” Maamulka Puntland maahan Mashruuc looga soo Horjeedo Dowladnimada Somaliya

0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kasoo horjeestay aragtida ku saabsan in Puntland ay tahay mashruuc ka soo horjeeda Soomaalinimada, balse ay qayb weyn ka tahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in doorka ay Puntland ku leedahay hannaanka dowladeed ee Soomaaliya aan marnaba la iska indho tiri karin.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa carrabka ku adkeeyay in Puntland ay difaaceyso dowladnimadeeda iyo dhulkeeda, isagoo xusay in ay jiraan cid uu ku tilmaamay “cadow” oo duulaan kusoo ah jiritaanka Puntland.

Si gaar ah ayuu u tilmaamay deegaanada loo yaqaan “gaari-waaga” ama meelaha ka baxsan laamiga ah, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin bartilmaameedyo muhiim ah.

Sidoo kale, Deni ayaa sheegay in maamulka Puntland si dhaw ula socdo dadka uu ku eedeeyay inay hurinayaan falal dibin-daabyo ah oo lagu waxyeeleynayo midnimada Puntland, isagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xilli ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waddo qorshe lagu doonayo in gobollada Sanaag iyo Haylaan lagu biiriyo maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

Puntland ayaa si cad uga hor timid qorshahaasi, iyadoo sheegtay in gobolka Sanaag uu qeyb ka yahay dhulkeeda. Sidaas darteed, waxay ciidamo u dirtay gobolka Sanaag, iyadoo u diidday masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka in ay halkaas tagaan.

Dhamaan arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta magaalada Laascaanood uu ka furmayo shirka dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la sheegay in isfaham laga gaaray khilaafkii hore u jiray.

Ad
Previous articleBarlamaanka Holland oo Ansixiyay Sharci Cusub oo Qaxootiga lagu Adkeynayo
Next articleCiidanka NISA oo Hawlgalo gaar ah ka Fuliyay Degmada Buulo-xoog ee Gobolka Hiiraan