Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa xalay lagu qaaday weerar culus.
Jeesow ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay xalay ku soo qaaday weerar culus, islamarkaana ay iska caabiyeen oo dagaalka ay ku jebiyeen kooxdii duulaanka ku soo qaaday fariisimahooda Yaaqbariweyne.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidankiisa ay dhaawacyo ka soo gaareen dagaalkaas, waxaana askartii dhaawacyadu soo gaareen ay isla xalay geeyeen saldhigga ciidamada Danab ee Ballidoogle, si loo daweeyo.
Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in weerarka Al-Shabaab uu ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, kadibna uu xigay weerar toos ah, kaas oo socday ilaa ay ka jebiyeen kooxdii soo weerartay ee Al-Shabaab.
Xildhibaanka oo in ka badan bil ku sugan magaaladaas ayaa la weydiiyey sababta uu u joogo halkaas, wuxuuna sheegay in maalin kasta ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo ay ku guuleysteen inay kooxda ka xoreeyaan dhowr deegaan oo hoos taga degmada Walaweyn ee gobolka Sh/Hoose.