Home Wararka Maanta Deg Deg: Go,aan Adag oo Dhabancad Ka Qaatay 16kii Kursi ee Ceelwaaq...

Deg Deg: Go,aan Adag oo Dhabancad Ka Qaatay 16kii Kursi ee Ceelwaaq iyo Kuwii Garbahaareey

0

Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad ayaa ku gacan seyray dalab ay soo jeediyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha, kaasi oo ay ku rabeen in hoolka doorashada looga saaro Xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq.

Guddoomiye Dhabancad ayaa diiday in la saaro Xildhibaanada Ceelwaaq, wuxuuna ku adkeystay inay codeynayaan, waana markii saddexaad ee guddoomiyaha KMG uu ku gacan seyro dooda saarista xildhibaanadaas.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, Xildhibaanada labo kutlo oo kala ah kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa NISA ayaa qorshanayey in Xildhibaanadaas la saaro, taasi oo qeyb ka ah fowdo laga bilaabayo hoolka doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Dooda saarista Xildhibaanada Ceelwaaq ayaa ah isku-deygii u dambeeyay ee kooxda Farmaajo iskugu dayeyso inay fowdo iyo buuq uga abuurto kulanka Baarlamaanka ee lagu dooranayo guddoonka.

Qaar kamid ah Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq ayaa maanta lagu arkayay ayaga oo ku sugan hoolka Afisyoone ee ka dhaceyso doorashada.

Lama oga sida ay noqon doonto xaalada, hase yeeshe ujeedkooda u weyn ee xubnaha doodan keenay kulanka ayaa ah in lagu baajiyo doorashada illaa hadda ay halkaas ugu sugan yihiin Xildhibaanada.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, balse hadda waxa socota qaban-qaabada u dambeysay ee qabsoomida doorashada.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleXildhibaano Badan oo Qaab Cajiib ah Lagu Geeyey Teendhada Afisyooni
Next articleKuraastoo Lagu soo dooratay Ceelwaaq iyo Garbahareey oo laga Saaray Teendhada Afisyooni