Home Wararka Maanta DEG DEG: Ciidamada dowlada oo si buuxda ula waregay degaanka Wabxo

DEG DEG: Ciidamada dowlada oo si buuxda ula waregay degaanka Wabxo

0

Ciidamada dowlada Somalia ayaa goor dhoweyd la wareegay Degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo muddo dheer fariisin u aheyd kooxda Al-shabaab

Ciidamada la wareegay degaankaasi ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday deegaanka Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday muddo kooban.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cabdi Raage iyo Saraakiil Kale ayaa horkacaya ciidamada galabta la wareegay degaanka Wabxo.

Xoogagii Al-shabaab ee ku sugnaa degaankaas ayaa ka baxay ka dib iska caabin aan sidaa u weyneyn oo ay kala hortageen ciidamada DF.

Milatariga Somalia oo garab ka helay dadka deegaanka ayaa barqanimadii maanta la wareegay deegaanka Warxolo oo wax ka yar 17-km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Wabxo.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah howlgalka ciidamada DF ka wadaan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ee Al-shabaab looga saarayo degaanada ay mudada dheer a talinayeen.

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo weerar Culus Ku Qaaday Degmada Wabxo
Next articleGöteborg oo lagu Toogtay Nin Kamid Ah Dadka Deegaanka