War qoraal ah oo kasoo baxay howl-galka #ATMIS ayaa waxaa Baddow loogusoo rogay garoonka diyaadaha Aaden Cadde ee Muqdiaho sababo lagu sheegay howl-gal amni oo lagu xaqiijinayo madaarka Muqdisho. Warkaan ayey #ATMIS soo saareen daqiiqado kadib markii wasaaradda amniga ee Soomaaliya ay xirtay terminal-ka Movecone oo ay kasoo degaan saraakiisha ciidamada ATMIS, safiirrada ajnabiga ah iyo diblumaasiyiinta shisheeye.
Howl-galkaan ayaa soconaya muddo 10-ka illaa iyo 16-ka bishan. Arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad xasaasi ah, Xukuumadduna ay ceyrisay Madeira sidoo kalana lagu wado in 14-ka April la dhaariyo xildhibaannada cusub.
Siyaabo kala duwan Ayaa loo fasiran karaa qoraalka Howlgalka Midowga afrika ee La Xariira Bandawga Habeenkii ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.