Home Wararka Maanta Deegaano ka tirsan Galmudug oo lagu dilay Xubno ka tirsan Kooxda Shabaab

Deegaano ka tirsan Galmudug oo lagu dilay Xubno ka tirsan Kooxda Shabaab

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysna oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada caalamka oo ka dhacay 20-kii bishaan deegaanka Nooleye ee gobolka Galguduud.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday  fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tilmaamtay in howlgalka lagu dilay ilaa afar xubnood oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugna deegaanka Nooleye ee gobolka Galgaduud.

“Ugu yaraan 4 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay howlgalka. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Gobolka Galgaduud ee dhaca bartamaha Soomaaliya waxaa ku sugan deegaano iyo degmooyin ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana halkaasi inta badan ka dhaca howlgalada ka dhan ah Al-shabaab.

Ad