Dawladda Soomaaliya ayaa beddeshay xeeladdii dagaalka ka dhanka ah ururka al-Shabaab, sidaasi waxaa idaacadda VOA u sheegay saraakiil sare oo ka mid ah dawladda oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababtoo ah looma oggola inay warbaahinta la hadlaan.
Beddelka xeeladda dagaal ayaa ka dambaysay weerarkii 26-kii bishii hore al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiggii ciidamada dawladda ee tuulada Cawsweyne.
Dawladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka Cawsweyne, hase yeeshee saraakiisha amniga ee la hadashay VOA waxay aamin yihiin in lagu dilay tobannaan, lagu dhaawacay in ka badan 160, halka qaarna la la’yahay.
Xeeladda cusub ee hadda dawladdu qaadatay ayaa ah mid hawlgallada ay hoggaaminayaan dadka iyo ciidamada deegaanka, halka ciidamada dawladda federaalkuna ay kaalmayn doonaan, sida ay sheegeen saraakiishu.
Dawladda ayaa horey ciidamada deegaanka usiin jirtay hub iyo in dhaawacooda la qaado. Qorshaha cusub ayaa taas ku kordhinaya in gunno ay qoysaskooda ku biishaan la siiyo ciidamada deegaanka inta ay hawlgallada ku jiraan.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabaddsugida Qaranka ee NISA ayaa loo xilsaaray diiwaangelinta iyo shaandhaynta ciidamada deegaanka, iyadoo qorshaha muddada fog uu yahay in la qarameeyo, sida ay sheegeen saraakiisha la hadashay VOA.
Taliyihii hore ee hay’dda NISA Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka mid ah saraakiisha dawladda ka caawinaysa abaabulka dadka degaanka ayaa VOA u xaqiijiyey isbeddelka xeesha.
Waxa uu sheegay in qorsha cusub yahay in dadka degaanku ay hoggaamiyaan dagaalka, taasi oo la mid ah dibna ugu noqonaysa qorshihii al-Shabaab looga saaray inta badan gobolka Hiiraan iyo Shabellada Dhexe – laga soo billaabo bishii Ogosto ee sannadkii hore.
Source VOA.