Home Wararka Maanta Dawladda Federaalka oo carabta garab uga dooneysa doonisteeda xubinimada Golaha Amaanka

Dawladda Federaalka oo carabta garab uga dooneysa doonisteeda xubinimada Golaha Amaanka

0

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dalalka Carabtu ay ku garab taagan yihiin Soomaliya ku guulaysiga kursiga aan jogtada ahayn ee golaha amaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa oo ay tartan ugu jirto sidii ay xubin uga noqon lahayd.

Arintan ayaa imaanaysa, iyadoo maanta lagu wado in shirka wadamada ku jira ururka jaamacada carabtu ay meertadoodii 33-aad ku yeeshaan magaalada Manama ee dalka Baxrayn.

Raysal wasaaradaha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa ka mida madaxda shirkaas ka qayb galaysa, waxana isaga iyo wafdigiisu xalay gaareen magaalada uu shirku ka dhacayo.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed macalin Fiqi ayaa kahor shirka sheegay in dawladdaha carabtu garab joogaan doonisteeda Soomaaliya ee xubin ka noqoshada golaha ammaanka.

‘’Shirkan waxa lagu taageerayaa Soomaaliya in ay xubin ka noqoto golaha ammaanka, 22-ka dal ee wadamada carabtu way ku garab taagan yihiin in ay u codeeyaan Soomaaliya in ay kamid noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha amniga’’ ayuu yiri wasiir Fiqi.

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay
Ad
Previous articleXujeydii ugu horreysay sanadkan ee ka tagta Soomaaliya oo gaartay dalka Sucuudiga
Next articleMaxkamad Switzerland ku taala oo 20 sano oo xabsi ah ku xukuntay wasiir Afrikaan ah.