Home Wararka Maanta Darwalkii Labaad Masuul Ka Tirsan Dowlada Gaari Uwaday oo Markale u...

Darwalkii Labaad Masuul Ka Tirsan Dowlada Gaari Uwaday oo Markale u goostay Alshabaab?

0

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in darawalka mid kamid ah golaha wasiirada maamulka Jubbaland uu u goostay Al-Shabaab, isla-markaana uu iska dhiibay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Darawaalka auaa u shaqeynay wasiir ku xigeenka wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee maamamulkaasi Mustaf Xaaji, wuxuuna la goostay gaari qaali ah oo ay wasaaraddu laheyd.

Gaariga ayaa noociisa lagu sheegay Hardtop , waana gawaarida lagu isticmaalo dhulka bacaadka ah, kaas oo ay horay Jubbaland ugu deeqday hay’ad caalami ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga la geeyay magaalada Jilib oo ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ma cadda sida uu ninkan ugu suura-gashay gaariga uu la baxsaday, iyo sida lagu ogaan waayay wada-shaqeynta kala dhexeysay koxoda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha ammaanka oo ku aadan gaarigaasi lala goostay ee loo geeyay Al-Shabaab.

Darawalkaas oo muddo 4 sano ah la shaqeeyay Mursal ayaa maalmo kahor u goostay Al-Shabaab, isagoo markaas ka tegay guriga guddoomiyaha, waxaana arrintaasi ka dhashay shaki xoogan iyo walaac amni, maadaama aan xog badan laga helin baxsashadiisa.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo la filayo inay ka billowdaan gobollada Jubbooyinka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleShir aa noociisa Horay loo Arag oo Maamulka Gobalka Banaadir Maantay Ku Qabanaayo Muqdisho.
Next articleP.M Xamza oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya