Hay’adda socdaalka Sweden ayaa laba jeer diiday codsiga deganaanshaha joogtada ah ee darawal taxi ah, kadib markii lagu diiwaangeliyay afar xadgudub oo dhanka taraafikada ah, taasoo kor u qaadday walaaciisa ku aaddan mustaqbalka iyo suuragalnimada in la masaafuriyo.
Ninka oo lagu magacaabo Mansuur ayaa ku noolaa Sweden muddo toban sano ah isaga iyo qoyskiisa, iyadoo dhammaan xubnaha qoyskiisu ay heleen jinsiyadda Sweden marka laga reebo isaga. Shan sano ka hor ayuu bilaabay shaqada darawalnimada taxi si uu u buuxiyo shuruudda shaqo joogto ah ee looga baahan yahay helitaanka deganaanshaha joogtada ah.
Mudadaas gudaheeda, Mansuur waxa uu galay afar xadgudub oo taraafik ah ilaa sanadka 2024, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen laba jeer oo xawaare dhaaf ah, mar uu ka gudbay nal cas, iyo mar uu ku socday waddo u gaar ah gaadiidka dadweynaha.
Mansuur ayaa u sheegay telefishinka Sweden (SVT): “Anagoo ah darawallada taxi-ga, waxaan wadnaa masaafo dheer maalin kasta, waxaana dhici karta inaan qaladaad sameyno in ka badan dadka kale. Ma aaminsani in tani ay sabab u noqoto in la ii diido deganaanshaha joogtada ah.”
Inkastoo uu hadda haysto heshiis shaqo oo joogto ah oo uu la leeyahay shirkad taxi, haddana Mansuur waxa uu ku nool yahay walaac ku saabsan in la diido kordhinta deganaanshihiisa mustaqbalka, taasoo keeni karta in la masaafuriyo.
Wuxuu intaas ku daray: “Haddii aan heli lahaa deganaansho joogto ah, waxaan awoodi lahaa inaan wax barto oo aan dhisto nolol deggan, halkii aan ka shaqeyn lahaa cadaadis joogto ah.”



