Home Wararka Caalamka Darawal Taksiile ah oo Qof Dumar u kaxeestay Goob Cidlo ah isagoo...

Darawal Taksiile ah oo Qof Dumar u kaxeestay Goob Cidlo ah isagoo isku dayay inuu Kufsado

0

Maxkamad ku taalla magaalada Stockholm ayaa waxaa ka bilaabatay dhageysiga dacwad loo haysto nin da’diisa lagu sheegay 20 sano jir kaasi oo isku dayay in uu kufsado Haweeney afartameeyo jir ah.

Sida laga sheegay Maxkamada Ninkan iyo Haweeneyda ayaa ku murmay lacagta iyadoo falkan uu dhacay bishii April aan soo dhaafnay

Sida laga soo xigtay haweeneyda iyo saaxiibkeed oo ku jiray baaritaankii booliska, waxay raaceen baabuur taksi ah, waxayna ku heshiiyeen qiimo u dhexeeya 350 ilaa 400 krone, laakiin darawalka ayaa markii dambe dalbaday 700 krone, taas oo keentay muranka.

Haweeneyda ayaa ku sheegtay baaritaanka, sida uu qoray wargeyska Expressen : “Ninkanga ayaa ka soo degay tagsiga, wuxuuna ii sheegay inuusan bixin doonin, markii aan isku dayay inaan sidoo kale ka baxo, darawalka ayaa si lama filaan ah u kaxeeyay gaariga.”

Waxay intaa ku dartay, “Waxaan dareemay cabsi aad u daran, waxaana bilaabay inaan ku qayliyo isaga si uu u joojiyo, laakiin iima jawaabin, teleefankaygana waxaa waday Ninkayga qofna ma wici karo.”

Darawalada kaxeeya Takaasida ayaa la kulma dhibaatooyin kala duwan sida aanan la siinin lacagta taksiga.

Somaliska Stockholm

Ad
Previous articleSirdoonka Maraykanka iyo maamulka Trump oo isku khilaafsan baaxada burburka loo gaystay nukliyeerka Iran