Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Darawal Gaaro oo markale lagu dilay gobolka Shabeelada Dhexe

Darawal Gaaro oo markale lagu dilay gobolka Shabeelada Dhexe

0

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in markale maleeshiyaad hubeysan ay nin darawal ahaa xalay ku dileen waddada dheer ee marta dhanka xeebta ee Cadale, xilli uu kusoo jeeday magaalada Muqdisho.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Raage Celle, waxaana lagu dilay mid ka mid ahaa darawallada gaadiidka ee isaga kala goosha deegaanada gobolkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maxamuud Xasan Nuur, wuxuuna sanado fog ka shaqeynayey isaga oo darawal ahaa waddada xiriirisa Muqdisho iyo Sh/Dhexe.

Mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in rag burcad ah ay gaariga waddada u galeen, kadibna ay rasaaseeyeen marxuumka.

“Niman tuugo ah ayaa jidka u galay, kolley xabado ayeyna ku fureen qadarta Ilaahey isagaa ku geeriyooday,” ayuu yiri mid kamid ehellada marxuumka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gaariga uu waday Ari loo soo waday dhanka magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in mar qura uu rasaas ku furay nin hubeysan.

“Xittaa baabuurka istaag lama dhihin nin ayaa jidka kasoo dhacay xabad ayuuna huwiyay, gaariga Ari ayuu waday Xamar ayuuna usoo socday,” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inay jiraan gawaari kale oo daba socotay baabuurka la rasaaseeyay oo iyaguna dhac baahsan loogu geystay inta ay ku socdaalayeen waddada.

“Baabuur kale oo la dhacay way jirtaa oo ka dambeysay gaariga la rasaaseeyey. Nin yahow maamulka waan la xiriirnay, laakiin jawaab kama helin,” ayuu markale yiri.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku badan dilalka iyo isbaarooyinka, ayada oo dhowaan degmada Balcad lagu dilay nin darawal ahaa oo kusii jeeday Jowhar, dilkaas oo dhaliyay caro, ayada oo kadib lasoo qabtay eedeysanaha oo ay xukuntay maxkamadda ciidamada.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleDeni iyo Laftagareen oo Samaystay Isbahaysi Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Deni oo garowe Gaaray(Sawiro)
Next articleDadkee ayaa laga Ceshanayaa Sharciga Deganaanshaha Rasmiga ” Wasiirada Socdaalka Sweden oo ka jawaabtay