Home Wararka Somaliya Daraasad Laga sameeyay Talaalka Covid19, iyadoona laga rajeenayo in Mareykanka laga qaato

Daraasad Laga sameeyay Talaalka Covid19, iyadoona laga rajeenayo in Mareykanka laga qaato

0

Daraasad Mareykan ah oo Maanta isniin ah soo baxday ayaa sheegtay in Talaalka AstraZeneca uu yahay Mid Amaan ah oo Waxku ool ah. Taasoo u gogol xareysa in Mareykanka uu Bilaabo Qaadashada Talaalkan.

Talaalka oo lagu Tijaabiyay ayna ka qayb qaateen in ka badan 30 kun ruux oo Mutadawaciin ah ayaa daraasada waxay leedahay in waxtarkiisa iyo kahor tagida ay gaarsiisantahay 80% Xanuunka Covid-19. Sidoo kale ilaa iyo hadda lama soo sheegin cid ku xanuunsatay Intii Lagu Tijaabiyay.

Hay’ada Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) oo Sugaysay Warbixinta Daraasadan lagu Guuleystey Ayaa Maalmaha soo socda u Fasixi doonto isticmaalka Talaalkan Muwaadiniinteeda

Wararka Yadadiilada leh ee kasoo baxayo Talaalkan wuxuu Fursad u yahay Dadkeena Soomaaliyeed Waana in la Qaataa oo Waayeelka looga Faa’iideeyaa.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor iyo Laftagareen oo Muqdisho kulan ku yeeshay.
Next articleBeesha Caalamka oo War ka soo saartay Shirkii Maanta Muqdisho ka dhacay