Home Wararka Maanta Dalkii 4aad ee ka tirsan Yurub oo aqoonsaday dowlada Falastiin

Dalkii 4aad ee ka tirsan Yurub oo aqoonsaday dowlada Falastiin

0

Armenia ayaa si rasmi ah u aqoonsatay dawladnimada Falastiin, sida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia.

Armenia ayaa taageertay qaraar Qaramada Midoobay ay ka soo saartay xabad joojin deg deg ah oo lagu joojiyo dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas ee ka socda Gaza, waxaana uu dalkaasi taageersan yahay in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda Falastiin iyo Israel, ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa u yeertay safiirka Armenia ka dib markii Armenia ay aqoonsatay madaxbanaanida Falastiin, sida uu bayaan ku sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda.

Maamulka Falastiin, oo si xaddidan uga taliya Daanta Galbeed ee dhulka ay Israa’iil haysato ayaa soo dhaweeyay go’aanka Armenia.

“Aqqoonsigani waxa uu si togan uga qayb qaadanayaa ka dhabeynta xalka labada dawladood, kaasi oo wajahaya caqabado, waxaana uu kor u qaadayaa amniga, nabadda, iyo xasiloonida dhammaan dhinacyada ay khusayso,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada maamulka Falastiiniyiinta.

Spain, Ireland iyo Norway ayaa ka mid ah dalalka reer galbeedka ee sida rasmiga ah u aqqoonsaday madaxbanaanida dowladnimo ee Falastiin, taasi oo keentay in Israel ay bsihii hore kala baxdo safiiradeedii kala joogay Madrid, Dublin iyo Oslo.

Ad
Previous articleKaluumaysato Bilo Ka Hor lagu Waayay Xeebaha Muqdisho oo Maantay Laga Helay Xeebaha Jasiirada Maldives(Sawiro)
Next articleKumuu ahaa ninkii hayay Furaha Kacbada ee uu qoyskiisa ku wareejiyay nebi Muxammad NNKH ee Asbuucaan geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here